Shiinaha oo cashuuro aargoosi ah ku soo rogay Maraykanka

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in uu canshuuro aargoosi ah oo gaadhaya 84% ku soo rogay dhammaan badeecooyinka laga keeno Maraykanka, taasi oo sii hurinaysa dagaalka ganacsi ee u dhexeeya Beijing iyo Washington.

Arrintani ayaa timid kadib markii Madaxweyne Trump uu hore cashuuro dhan 104% u saaray alaabaha Shiinaha laga keeno – balse wuxuu mar dambe kordhiyay ilaa 125%, isagoo ku sababeeyay “ixtiraam la’aan” uu sheegay in Shiinuhu muujiyay.

Trump ayaa hakiyay cashuuraha heerkoodu sarreeyo ee la saari lahaa dalal kale, hase yeeshee wuxuu sheegay in “cashuur guud oo 10%” ah lagu soo rogi doono dhammaan waddamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here