Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn u muuqata kuwo heshiis cusub ka saxiixday xiddiga ugu fiican kooxda ee Mohamed Salah sida ay sheegayaan wararku.
Hedshiiska Mohamed Salah ee haatan ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana si weyn la isla dhexmaryaay in uu ka tago kooxda.
Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Liverpool heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga 1-aad ee Kooxda Mohamed Salah.
Wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool horumar ka samaysay dadaalada ay ku doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Masar.
Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo cusub oo uu ku joogi doono Anfield.