Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa 1-da Dul Qacda, oo ku beegan April 29, u asteysay maalinta ugu dambeysa ee cid walba oo ajaanib ah oo dalkaasi cumro u tagtay ay uga baxdo.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadday si loo bilaabo isu diyaarinta Xajka.
War ay soo saartay, ayay wasaaraddu ku sheegtay in 15ka Shawaal, oo ku beegan April 13, ay tahay maalinta ugu dambeysa ee aan loo oggolaan doonin dadka inay dalkaas u tagaan cumro.
Wasaaradda ayaa sheegtay in cid walboo lagu helo inay dalka sii joogto muddada kama dambeysta ah ay meel uga dhacayso shuruucda ayna ciqaab mudan doonto.
Waxay ugu baaqday dadka iyo shirkadaha cumrada inay u hoggaansamaan amarrada.