Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa jira “hal shay” oo Arsenal siinaya kalsoonida ay ku garaaci karto Real Madrid champions League lugta hore ee wareega 8 hamaadka champions League sida uu qabo xiddigii hore ee Gunners Ray Parlor.
Wiilasha Mikel Arteta ayaa martigelinaya kooxda 15 jeer ku guulaystay champions League iyada oo labada kooxood kulmayaan arki ugu horaysay 19 sano.
xilli ciyaareedkii 2005-06 Arsenal oo uu hogaaminayo Arsene Wenger ayaa 1/0 ku garaacday Real Madrid kulan ka tirsanaa wareega 16-ka champions League.
Ku guuleystaha seddexda jeer ee Premier League ayaa sharraxay in Shaqada weerarka ee Real Madrid ay faa’iido u oqon karto Arsenal.
“Waxa ay haystaan xiddigo fiican weerarka, dhamaan difaaca koox ahaan waa inay si dhab ah u ciyaaraan, waxay ka yimaadaan dhinacyo kala duwan, Real Madrid, marka ay dhaliyaan goolashooda” Parlor ayaa u sheegay Sports Mole.
“Weerarka, waa in ay Arsenal ka faa’iidaysato fursadohooda,halka fursad ee ay Real siinayso Arsenal ayaa ah in ay ku weerarayso, Arsenal way dhibaatootaa marka ay kooxuhu difaac u galaan”.