Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu si degdeg ah ula laabanayo dhammaanba dal ku galka la siiyay muwaadiniinta heysta baasaboorrada Suudaanka Koofureed sababo la xiriira dalkan oo diiday inuu dib u qaato muwaadiniintiisa laga soo tarxiilay Mareykanka.
Rubio, ayaa war uu soo saaray shalay, wuxuu intaa raaciyay in Mareykanku uu celin doono muwaadin walba oo Suudaanta Koofureed kasoo jeeda oo dalkaasi galata.
Wuxuu dowladda ku meel gaarka ah ee dalkan ugu da’da yar qaaradda Afrika ku eedeeyay inay ku guul-darreysatay qaabilidda muwaadiniinteeda lasoo celiyay.