Dibadbaxyo ballaaran oo looga horjeedo Donald Trump oo ka bilowday Mareykanka

0
25

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dibadbaxayaal aad u fara badan ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Mareykanka si ay u cambaareeyaan madaxweyne Trump, mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee dalka oo dhan ka dhaca tan iyo markii uu madaxweynaha xilka qabtay bishii Janaayo.

Hal-ku-dhigga mudaaharaadyada oo ah “Hands Off” ayaa waxaa uu qorshaha ahaa in la qabto isu soo baxyada 1,200 goobood, oo ay ku jiraan dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay Boston, Chicago, Los Angeles, New York iyo Washington DC, iyo magaalooyin kale.

Dibad-baxayaashu waxay soo xiganayeen cabashooyin ku saabsan ajendaha Trump sida arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here