Arteta Oo Ka Hadlay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Horyaalka

0
43

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay Fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga horyaalka premier League kadib bar-barihii ay la gashay kooxda Everton.

Arsenal ayaa kulanka soo gashay iyada oo 12 dhibcood ka hoosaysa kooxda Liverpool hogaamiyayaasha premier League.

Kadib bar-baraha ayaa la gashay kooxdiisu Everton Mikel Arteta ayaa la waydiiyay fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga horyaalka.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Arintu way adagtahay”ayuu yidhi.

“Waxa aan samaynay wax walba oo aan awoodno si aan u badino kulamada laakiin haatan arintu way adagtahay”ayuu sii raaciyay.

Arsenal ayaa 14 dhibcood ka hoosayn doonta Liverpool hadii ay Reds badiso kulankeeda maalinta Axada bari ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here