Shaxda Ay Man United Kaga Hor Tagi Karto Nottingham Forest.

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ruben Amorim ayaa lagu wadaa in lagu xoojiyo daafaca kulanka ay Manchester United u safreyso Nottingham Forest kulan ka tirsan premier League.

Fasaxii xulalka ayaa United ka caawiyay in ay dib u hesho xiddigo dhaawac ka ahaa iyada oo Harry Maguire Iyo Leny Yoro diyaar u yihiin in ay ciyaaraan.

Maguire ayaa maqnaa tan ilaa dhamaadkii bishii February kadib dhaawac kubka ah oo soo gaadhay halka uu Yoro dhaawac ku maqnaa tan ilaa bilowgii bishii March markii uu ku dhaawacmay kulankii Arsenal.

Da’yarka Ayden Heaven ayaa seegi doona kulanka kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Leicester City ee ka hor fasaxii caalamiga.

Xiddigaha Jonny Evans iyo Kobbie Mainoo ayaa sidoo kale seegi doona kulanka sabab la xidhiidha in ayna wali ka soo kabsan dhaawacyadii ay qabeen.

Shaxda Ay Man United kaga hor tagi karto Nottingham Forest

Onana; Mazraoui, De Ligt, Yoro; Dalot, Fernandes, Ugarte, Dorgu; Garnacho, Zirkzee; Hojlund

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here