Ciyaaryahan geeriyooday xili ay socotay cayaar toos ah

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Feeryahan u dhashay dalka Nigeria oo la yiraahdo Gabriel Oluwasegun Olanrewaju, ayaa geeriyooday ka dib markii uu suuxay xili ay socotay cayaar toos ah oo ka dhacaysay dalka Ghana.

Oluwasegun ayaa miyir daboolmay wareegii saddexaad ee tartanka iyadoo ay isla feertamayeen Jon Mbanugu, tartankaas oo ka socday garoonka Bukom Boxing Arena ee magaalada Accra.

Maamulka cayaaraha feerka ee Ghana (GBA), ayaa xaqiijiyay warka geeridiisa, waxayna sheegeen loola cararay isbitaalka Korle-Bu Teaching Hospital ka dib gargaar degdeg ah oo loo fidiyay, halkaasoo oo u uku geeriyooday muddo 30 daqiiqo ah ka dib.

Xoghayaha guud ee guddiga tartanka feerka ee dalka Nigeria, Remi Aboderin, ayaa Oluwasegun ku tilmaamay inuu ahaa qof “geesi ah” oo dhintay isagoo “halyeey ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here