Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhismayaasha ku dumay Kyaukse, ee gobolka Mandalay, waxaa ka mid ah dugsiga xannaanada ee West Mye Mye Kyi.
Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in saaka la helay meydadka 12 caruur ah oo wax ku baranayay dugsiga barbaarinta iyo macalinka.
In badan ayaa la sheegay in ay ku xayiran yihiin dhismaha dumay, waxaana fursadda badbaadada ay sii xumaanayaan waqti ka dib.
Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ku dhawaad 50 caruur ah iyo lix macalin la la’yahay ka dib markii uu dumay dhismaha.
“Tirada dadka dugsiga ku dhawaad waa 50, laakiin kaliya waxaan haynaa liiska tirada dadka la daadgureeyay, kaliya waxaan soo saarnay 13 meyd ah,” ayuu yiri xubin ka tirsan kooxda badbaadada.