Dhulgariir xoog leh oo dhowr dal laga dareemay oo ku dhuftay Myanmar

0
58

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhul gariirka cabirkiisu uu gaarayo 7.7 ayaa ku dhuftay bartamaha Myanmar, iyada oo gariirkiisa laga dareemay Shiinaha iyo Thailand, waxaana muuqaalo baraha bulshada la soo dhigay ay muujinayaan dhismayaal ku yaala Bangkok oo la baneynayo, dadkuna ay waddooyinka isugu soo aruurayaan.

Sida laga soo xigtay hay’adda sahanka juqraafiga Maraykanka USGS, xuddunta dhulgariirka ayaa dhacda 16km Waqooyi Galbeed magaalada Sagain ee Burma, kuna dhow magaalada Mandalay. Aaggan ayaa ilaa 100km Waqooyi ka xiga caasimada Naypyidaw.

Dowladda Thailand ayaa yeelanaysa kulamo degdeg ah oo la xiriira dhul gariirka soo gaaray dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here