Andre Onana Oo Shaaciyay Laba Koox Oo Premier League Ah Oo Uu Ku Dhawaaday Ku Biiristooda.

0
65

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Andre Onana ayaa daaha ka qaaday in Arsenal iyo Chelsea ay la soo xiriireen ka hor inta uusan ku biirin Manchester United.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Cameroon ayaa United ugu dhaqaaqay heshiis 47.2 milyan ugu biirin kadib rkii uu hal xilli ciyaareed ku qaatay Inter.

Onana ayaa lix xilli ciyaareed ku qaatay kooxda koowaad ee Ajax, waxaana uu kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato seddex koob oo Eredivisie ah ka hor inta uusan si xor ah ula wareegin Inter.

Laakiin 28-sano jirkaan ayaa sheegay in labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea ay diiwaan galiyeen xiisahooda ka hor inta uusan u wareegin Serie A.

Mar la weydiiyay inuu magacaabo kooxaha uu ku dhawaaday inuu ku biiro waqtigiisii ​​Ajax, Onana ayaa u sheegay Le Media Carre:”Waxa an dalab a helay kooxaha Monaco, Nice, Atletico Madrid, Arsenal Iyo Chelsea”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here