Liverpool Oo Qarka U Saaran Badalka Trent Alexander Arnold.

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa ‘ qarka u saaran’ saxiixa xiddiga Bayer Leverkusen Jeremie Frimpong si uu u noqdo badalka Trent Alexander-Arnold.

Taasi waa sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Defensa Central, oo sheegtay in Liverpool ay qorsheyneyso inay Frimpong ku keento Anfield heshiis ku kacaya 30 milyan oo euro.

Intaa waxaa dheer, warbixintu waxay sheegeysaa in kooxda Merseyside-ka ay wadada u banneeyeen saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands sababtoo ah Real Madrid – oo sidoo kale lala xiriirinayo 24-sano jirkaan – iyagoo diiradda saaraya dadaalkooda saxiixa Alexander-Arnold.

Reds ayaa suuqa u galayaan Daafac midig oo cusub iyada oo xiddiga Trent Alexander Arnold ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here