Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In ka badan 1,400 oo qof oo isugu jira arday, wariyayaal iyo qareenno ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib bannaan-baxyo Tukiga ka socda habeenkii toddobaad.
Rabshadaha habeenkii ah ayaa billowday Arbacadii hore markii musuqmaasuq lagu eedeeyay duqa magaalada Ankara, Ekrem Imamoglu oo loo arko in uu yahay ninka ay siyaasadda isku hayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xadhigga iyo xoogga ay booliisku u adeegsadeen dibadbaxayaasha.