Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Iyadoo dibedbaxyo xooggan ay habeenkii lixaad ka dhaceen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, xisbiga mucaaradka ee dalkaas, CHP, ayaa sheegay in isu soo baxyadii waaweynaa ee lagu qabanayay aqalka dowladda hoose ay soo gabagabeynayaan Talaadada, iyadoo aan sheegin tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.
Shaacinta tallaabadan degdegga ah ayaa timid ka dib markii ay booliisku mar kale sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen dadka dhigayay dibedbaxyada ay ku dalbanayeen in la sii daayo duqa magaalada,