Man United Oo Lacag Ku Ganaaxaysa Chelsea Iyo Sancho Oo Sabab.

0
38

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Jadon Sancho laakiin waxa ay ku qasbanaan doontaa in ay bixiso lacag xitaa hadii ay ka laabato go’aankeedii ahaa in ay si toos ah ula wareegto xiddiga.

Sancho, oo 24 jir ah, ayaa waxaa kooxda ka saaray tababarihii hore ee Red Devils Erik ten Hag ka hor inta uusan amaah ugu biirin Blues xagaagii.

Heshiiska ayaa waxaa ku jiray heshiis dhigaya in Sancho uu noqdo ciyaaryahan joogto ah oo Chelsea ah oo ku kacaya 25 milyan.

si kastaba ha ahaatee, wararka la isla dhexmarayo ee ah in kooxda reer London ay dib uga laaban karto heshiiska ayaa soo shaac baxay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay kadib markii xiddigii hore ee Borussia Dortmund u muuqdo mid ku fashilmay kooxda isla markaas aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Waxa soo baxay in ay Chelsea dhigeeda Man United kala xaajootay heshiis u ogolaanaya in ay ka laabato in ay si joogto ah ula wareegto Sancho iyada oo bixinaysa qiimo gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here