Canada oo looga Dhawaaqay doorasho deg deg ah.

0
46

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Raysal wasaaraha cusub ee Canada, Mark Carney, ayaa ku dhawaaqay doorasho degdeg ah, taas oo uu ku dooday in sabata uu u galayo ay tahay inuu helo kalsooni muddo xileed uu ku dagaalamo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo muddooyinkii u dambeeyay canshuuro ku soo rogayay dalka Canada.

Doorashadan ayaa sidoo kale imanaysa iyadoo uu Trump hore u sheegay inuu doonayo in Canada uu ka dhigayo gobolka 51-aad ee Mareykanka. Waxay sidoo kale ku soo aadeysaa sagaal maalmood ka dib markii Carney loo dhaariyay xilka raysal wasaaraha Canada ka dib is casilaadii Justin Trudeau. Doorashada ayaa loo asteeyay inay dhacdo 28-ka ee bisha April ee soo socota. Baarlamaanka dalkaas ayaa la kala diray waxaana bilowday ololaha doorashada oo markii hore lagu waday inay dhacdo bisha Octoobar ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here