Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka qayb qaatay banaanbaxyo ka dhacay guud ahaan dalka Turkiga, kadib markii ninka ay sida weyn u loolamayaan madaxweynaha dalkaasi, Recep Tayyip Erdogan, xabsiga loo taxaabay laguna eedeeyay falal la xiriira musuqmaasuq.
Ekrem Imamoglu, duqa magaalada Istanbul, ayaa lagu waday in Axadi loo doorto musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhuuriga (CHP), doorashada xigta ee dhaceysa sanadka 2028-ka.
Qalalaasihii ugu weynaa muddo ka badan toban sano ayaa dalka ka dhacay Axadii, iyadoo mudaaharaadayaasha loo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ka sameysan.