Myles Lewis-Skelly Oo Shaaciyay Arrin Uu Layaabay Intii Uu Sugayay Wicitaanka Xulka England!

0
38

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Myles Lewis-Skelly, difaaca da’da yar ee Arsenal, ayaa shaaca ka qaaday in markii uu sugayay wicitaanka tababaraha xulka England, Thomas Tuchel, uu si qalad ah u malaystay in wicitaanku yahay mid uga yimid darawalka Uber Eats.

Xiddigan 18-jirka ah ayaa si weyn u sugayay in Tuchel uu ku wargeliyo inuu ka mid noqday xulka England ee ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka ee soo socda oo ay la ciyaarayaan Albania iyo Latvia. Laakiin markii uu telefoonka ka qabtay isagoo filaya inuu maqlo codka tababaraha Jarmalka, wuxuu maqlay cod lama filaan ah oo qosol badan.

Lewis-Skelly ayaa la wadaagay sheekadan saaxiibadiisa xulka England, Declan Rice iyo Dan Burn: “Waxaan la hadlayay saaxiibkay maalintii ka horreysay xulashada weyn. Kadib waxaan helay wicitaan ka yimid tiro aan garanayn, markaas ayaan iri: ‘Bro, waa inaan kugu soo celiyaa, wicitaan muhiim ah baan sugayaa’. Markaas ayaan iska damiyay telefoonkii saaxiibkay, waxaan diyaarsaday codkayga wanaagsan, anigoo sugaya. Kadib qofka isoo wacay wuxuu igu yiri: ‘Cuntadiina way imaatay, banaanka ayey taalaa’. Markaas ayaan ogaaday in uu yahay Uber Eats,kadib hooyaday ayaan u keenay cuntada!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here