Donald Trump oo saxiixay amar lagu xirayo waxbarashada Mareykanka.

0
34

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah oo lagu albaabada loogu laabayo waaxda waxbarashada, isagoo fulinaya ballan-qaadkiisii ololaha doorashada iyo qorshe ay muddo dheer ku taamayeen qaar ka mid ah muxaafidku.

Trump ayaa hay’addaasi ku eedeeyay xilkasnimo la’aan iyo in hawlahoodii gabeen. Madaxxweynaha Maraykanku waxa uu wacad ku maray in uu ku celin doono lacagta ay maamusho gobollo gaar ah.

“Waxaan u xidhi doonaa sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah,” ayuu yidhi Trump, inkasta oo Aqalka Cad uu qiray amarka lagu xidhi karo hay’addaasi uu u baahan go’aanka Golaha Congress-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here