Garoonka diyaaradaha ugu weyn Ingiriiska oo gebi ahaan xidhan maanta

0
56

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Garoonka dayuuradaha ee Heathrow ayaa xidhnaan doonaa guud ahaan Jimcaha maanta ah, kaddib koronto la’aan ka dhalatay dab ka kacay xarun koronto oo ku taalla aaggaasi.

Gegida diyaaradaha ee Heathrow oo ah tan ugu mashquulka badan UK ayaa dadka rakaabka ah looga in maalmaha soo socda ay ku safraan “xaalad kasta” ilaa inta dib loo furayo.

“Si aan u ilaalino badqabka rakaabka iyo hawl-wadeenadeenna, ma heysano wax kale oo aan ka ahayn in aan xidhno Heathrow ilaa 23:59, 21-ka Maarso 2025,” ayaa yidhi afhayeen u hadlay.

Isaga oo intaasi raaciyay in tani ay niyad jab ku noqon doonto rakaabka ku safra diyaardaha, laakiin sida ugu macquulsan ee suurtagalka ah ay ka shaqaynayaan sidii xaaladda wax looga qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here