Finland oo loo doortay dalka ugu farxada badan Adduunka.

0
50

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Finland ayaa noqotay sannadkii 8aad oo xiriir ah dalka ugu horreeya ee dadkiisu ay dunida ugu farxadda badan yihiin, ayadoo khubaradu ay taa la xiriirinayaan ayadoo dadka dalkaas ay ka helaan dabeecadda, iyo hanaanka cayrta oo ah mid aad u fiican.

Waxay ka hormartay dalalka kale ee seddexda ah ee la isku yiraahdo Nordic, sida lagu xusay warbixin ay Qaramada Midoobay taageeraysay oo ku saabsan farxadda dunida, halka Costa Rica iyo Mexico ee qaaradda Latin America ay soo galeen markii ugu horreysay 10ka dal ee ugu horreeya.

UK iyo Maraykanka waxay hoos ugu dheceen kaalimaha 23 iyo 24, ayadoo Maraykanku gaaray heerkii ugu hooseeyey abid.

Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka ajnabiga ah ay ka naxariis badan yihiin laba-laab marka la eego fikradda ay dadku ka haystaan. Halbeegga lagu qiyaasay ayaa ah in si ula kac ah loo lumiyey boorsada yar ee lacagta lagu qaato, si loo eego inta xabbo ee inta la helo dib loo soo celiyo, ayadoo la barbar dhigayo tirada dadka rajada ka qaba inay helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here