Dibedbaxyo ka bilowday Turkiga ka dib xarigii maayarka Istanbul

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xisbiga mucaaradka ah ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamolu,ku tilmaamay afgambi. Imamolu ayaa loo arkaa in uu yahay siyaasiga sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Recep Tayip Erdogan.

Mr Imamoğlu iyo tobanaan qof oo kale oo lala xiriirinayo mucaaradka ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin musuqmaasuq.

Horay, kumannaan qof oo ku nool Istanbul ayaa dhigay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan xarigga duqa magaalada.

Dhammaan mudaaharaadyada ayaa la mamnuucay muddo afar maalmood ah, iyo booliska ay basbaas ku buufiyeen dadkii isugu soo baxay magaalada Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here