Putin oo Trump ka diiday baaq si buuxda loogu soo afjarayo dagaalka Ukraine

0
52

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin ayaa telefoonka ku wada hadlay, wadahadalkaas oo socday ku dhowaad laba saacadood.

Intii ay wada hadlayeen labada hogaamiye, Trump uu baaq u soo jeediyay Putin, kaas oo la xirriira dagaalka Ukraine.

Waxaa uu diiday Putin baaq ah, in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine, oo labada dhinacba ogolaadaan xabad joojin buuxda.

Putin waxaa uu keliya ogolaaday, inuu muddo 30 maalmood ah hakinayo weerarada ay ku beegsato xarumaha tamarta ee dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here