Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Kooxda Newcastle ayaa ku guulaystay koobka Carabao Cup-ka kadib markii ay garaacday Liverpool.
Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Newcastle ku qaadaysay Liverpool weeraro halis ah.
Dhinaca kale Liverpool ayaa kaliya kubada maamulaysay iyaga oo ku dhibaatoonayay in ay wax fursado ah abuuraan.
Daqiiqadii 45-aad ayay Newcastle dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dan Burn kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Qaybtii dambe ayuu xiddiga Alexander Isak dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.
Liverpool ayaa daqiiqadii 90+4-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Newcastle ku guulaystay koobka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan.