Dadka ku nool gobollo ka tirsan Mareykanka oo looga digayo duufaan hor leh

0
3

Jowhar – ( Radio Isnaay ) –Duufaanno cusub ayaa looga digayaa dadka ku nool gobollada Virginia, Ohio iyo Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Dhanka kale, ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay isla Mareykanka kadib duufaan xooggan oo ku dhufatay gobollo dhowr ah oo ka tirsan koonfurta Bari ee dalkaas, taas oo sidoo kale burburisay guryo, gawaariduna saameysay.

Waxaa laga cabsi qabaa in 300,000 oo qof ay noqon doonaan koronto la’aan.

Sideed of ayaa ku dhintay gobolka Kansas, iyadoo in ka badan 55 gaarina ay shil galeen,waxaana si lamid ah duufaanta busta wadata ay sababtay in gawaari dhowr ah ay shil ku galan gobolka Texas.

Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay dhowr gobol oo ay ku jiraan Arkansas, Georgia iyo Oklahoma, kuwaas oo lagu soo warramayo inay dab kakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here