Shaxda Ay Chelsea Kaga Hor Tagi Karto Arsenal.

0
39

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Enzo Maresca ayaa xaqiijiyay in Robert Sanchez uu ku soo bilaaban doono goolka kulanka Chelsea ay la ciyaarayso Arsenal.

Sanchez ayaa xilli ciyaareedka ku soo bilowday goolhayaha ay door bidayso Chelsea kulamada Premier League, laakiin waxa uu booska u waayay Filip Jorgensen bishii hore.

Sanchez ayaa dib u helay booskiisa isaga oo ciyaaray kulankii ay Chelsea 1/0 Kaga badisay Leicester city waxana la filayaa in uu sii haysto booskiisa.

Maresca ayaa lix isbedel ku samaysay habeenkii Khamiista ee ay 1-0 kaga badiyeen Copenhagen ee tartanka Europa Conference League, taasoo Chelsea u calaamadisay inay u soo baxdo wareega 8da.

Difaaca waa in dib loo cusbooneysiiyaa safarka Arsenal, iyadoo Marc Cucurella, Reece James iyo Wesley Fofana ay diyaar u yihiin inay soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here