Jowhar – ( Radio Isnaay )- Hogaamiyaha gobolka Tigreega ee woqooyiga dalka Itoobiya Getachew Reda, ayaa Warbaahinta u sheegay in maamulkiisu uu dejin doono xaaladda, inkastoo xoogagga iska soo horjeeda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaannada qaar.
Dagaallada u dhexeeya garabyada xisbiga Mr Getachew ayaa halis gelinaya nabadda aan xoogganayn ee ka jirta gobolka tan iyo markii uu dhammaaday dagaal dhiig badan ku daatay oo ay xukuumadda Addis Ababa kula jirtay laba sano ka hor.