Midowga Yurub oo canshuur aargudasho ah ku soo rogay Mareykanka

0
38

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Midowga Yurub ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay tallaabooyin ganacsi oo aargudasho ah, iyagoo soo rogay cashuuro cusub oo lagu kordhinayo badeecadaha warshadaha iyo wax-soo-saarka beeralayda Mareykanka.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii maamulka madaxweyne Donald Trump uu sare u qaaday dhammaan cashuuraha birta iyo aluminium-ka la keeno Mareykanka, taasoo lagu kordhiyey 25%.

Midowga Yurub, oo horey u filayey go’aankan, ayaa diyaarsaday tallaabooyin jawaab celin ah. Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay si weyn u kordhinaysaa xiisadaha horeyba uga jiray xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here