Madaxweynihii hore ee Wadanka Filibiin oo la xiray.

0
39

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynihii hore ee Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa  la xiray—Talaadadii wax yar uun ka hor dhalashadiisa 80-aad—kaddib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, oo la sheegay inuu geystay intii uu socday dagaalkiisii ka dhanka ahaa daroogada, taasoo ahayd mid ka mid ah siyaasadaha ugu waaweyn ee xukunkiisa lagu xusuusto.

Madaxweynayaal hore oo Filibiin ah ayaa horey loogu xiray eedeymo musuq-maasuq, sida Joseph Estrada oo la xirey 2001 iyo Gloria Arroyo oo la qabtay 2011. Si kastaba ha ahaatee, Duterte ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee wajihi kara maxkamad caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here