Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska maamul goboleedka Uasin Gishu ee dalka Kenya ayaa bilaabay baritaan, ka dib markii nin lagu helay inuu si sharci darro ah uu saldhig boolis oo la yiraahdo Cherus Centre ka sameystay, degmo baarlamaneedka Kesses, iyadoo aan la ogeyn ama ogolaansho uusan ka heysan Adeegga Booliska Qaran (NPS), sida ay qortay warbaahinta Citizen oo ka howl gasha Kenya.
Sida ay wararku sheegayaan, ninka laga shakisanyahay oo magaciisu yahay Collins Leitich,loona yaqaano Chepkulei, oo deggan tuulada Asis ee deegaanka Ndugulu, ayaa isku xilqaamay in uu dhisme ka aasaaso saldhig boolis oo roondo sameyso, waxaa uuna ku xardhay sawirka muujinaya astaanta booliska Kenya, taas oo muran badan dhalisay.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ogaaday furitaanka saldhigga sharci darrada ah, kuwaas oo si degdeg ah baaritaan u bilaabay.
Booliska saldhigga Kamuyu oo hoos taga xarunta Kondoo, ayaa lagu wargeliyay isla markaana diiwaan geliyaydhacdada.
Ilaa hadda mas’uuliyiinta ma aysan sheegin ujeedka uu ninkan ka lahaa inuu furto xarunta boolis ee sharci darrada ah