Salah Oo Sii Wada Qorista Taariikhda Liverpool.

0
8

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay xilli ciyaareedkan.

Salah ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay ka badiyeen Southampton kulan ka dhacay Anfield.

Kadib goolashaas Salah ayaa albaabka weyn ka galay taariikhda kooxda Liverpool.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 242-aad ee kooxda Liverpool tartamada oo dhan tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Salah ayaa sidaas ku noqday xiddiga 3-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda Liverpool kadib 390 kulan oo uu ciyaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here