Konate Oo Ka Hadlay Murankii Ka Dhashay Khaladkii Barcola.

0
4

Jowhar – ( Radio Isnaay )  daafaca reer France ee Ibrahima Konate, ciyaaryahanka Liverpool, iyo Bradley Barcola, garabka Paris Saint-Germain, ayaa dhaliyay muran weyn intii ay socotay ciyaartii wareega 16-ka champions League.

Konate ayaa sheegay in garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka uu qaatay go’aan sax ah kadib markii uuna ciyaarta ka saarin.

Daafaca reer France ayaa yiri: “Kulamada ugu waaweyn ee Champions League waxaa lagu go’aamiyaa tafaasiil yar, tanina waa waxa dhacay maanta, laakiin waxaan ka faa’ideysanay fursada kaliya ee aan helnay, waxaana dhalinay goolka guusha”.

Konate ayaa khalad ku galay xiddig PSG ah waxana la sheegay in ay ahayd in ciyaarta laga saaro sabab la xidhiidha khaladka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here