Sanadka 2050 oo la sheegay in kala bar dadka caalamka ay noqon doonaan kuwa cayilan.

0
45

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daraasad caalami ah oo la sameeyay ayaa ka digtay in sanadka 2050, ay in ka badan kala bar dadka waaweyn iyo saddex meelood meel carruurta iyo dhallinyaradu ay noqon doonaan kuwo cayilan ama buuran.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen, in heerka buurnida uu si xawli ah kor ugu kacayo, gaar ahaan waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

Natiijooyinka ayaa ku soo baxay daraasad cusub oo xog caalami ah oo lagu daabacay wargeyska Lancet, oo ka faalooda arrimaha caafimaadka gaarayana ilaa 200 oo waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here