Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Rwanda ayaa weydiisatay Britain inay siiso £50 milyan ($63.62 milyan) oo magdhaw ah kadib markii heshiiskii saoo-galootiga ee hore loo gaaray la laalay, sida uu sheegay ilo-wareed ku dhow dowladda Kigali Talaadada maanta ah.
Dalabkan ayaa yimid kaddib markii London hakisay qeyb ka mid ah gargaarkii ay siin jirtay Rwanda, sababo la xiriira dagaalka ka socda Congo.
Markii uu xafiiska la wareegay bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa buriyay qorshihii xukuumaddii hore ee Conservative-ka, kaasoo Rwanda lagu siin lahaa lacag si ay u qaabbisho muhaajiriinta si sharci darro ah ku galay Britain.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Yvette Cooper, ayaa xilligaas sheegtay in qorshahaasi uu horey ugu kacay canshuur-bixiyeyaasha Britain lacag gaareysa £700 milyan ($890 milyan).