Google oo xireysa Gmail-ada aan ka isticmaalin.

0
36

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Google ayaa uga digeysa macaamiisheeda isticmaasha adeegooda Gmail in siyaasaddeeda cusub ee akoonada aan firfircoonayn ee aan la isticmaalin muddo laba sano ah ay meesha ka saari doonaan.

Laga bilaabo April 3, 2025, akoonada ay leeyihiin shakhsiyaadka ee aan la isticmaalin mudo laba sano ah ayaa meesha laga saari doonaa.

Siyaasadan cusub saameyn kuma yeelanayso akoonada shirkadaha ganacsiga ama kuwa goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacaduhu leeyihiin. Google ayaa fariin qof walba ugu doo diri doonta Email-kiisa kaas oo tilmaamaya in akoondu khatar ku jirto, hadii fariintan kuu soo dhacdo waxay ka dhigantahay in aad ka mid tahay dadka ka uu saameyn doono, waxaana muhiima in aad la jaanqaado siyaasada cusub si aanad u waayin xogta muhiimka ah ee kuugu jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here