Real Betis Oo Garaacday Real Madrid

0
35

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Kooxda Real Betis ayaa guul muhiim ah oo xiiso badan ka gaartay kooxda Real Madrid,waxana ay ku garaacday 2/1 kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Ciyaartan oo uu marti galiyay Benito Villamarín Stadium ayaa waxaa gool dhalinta ku bilaabay kooxda Real Madrid daqiiqadii 10-aad waxana u dhaliyay xiddiga reer Morocco ee Brahim Diaz.

Goolka ayaa yimid kadib markii uu Diaz ka faa’ideystay hadiyadii uu saaxiibkiis Ferland Mendy ku siiyay goolka hortiisa, wuxuuna ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto.

Xiddiga reer America ee Johnny Cardozo ayaa daqiiqadii 34-aad u suurto gashay in uu goolka bar-baraha u dhaliyo kooxda Betis.

Isco ayaa ku guulaystay in uu Real Betis ka dhaliyo goolkii labaad ee kooxdiisii ​​hore kadib markii rikoodhe loo dhigay daqiiqadii 54-aad.

Dhibcaha Real Madrid ayaa ku joogsaday 54 dhibcood iyaga oo ku jira kaalinta 2-aad halka ay Betis leedahay 38 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here