Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Federico Chiesa ayaa halis weyn ugu jira inuu seego bilada tooska ah ee ku guulaystayaasha Premier League ee Liverpool Hadii ay kooxdiisu ku Guulaysato Premier League.
Reds ayaa 11 dhibcood oo nadiif ah ku haysa hogaanka horyaalka iyada oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar saddex meelood meel xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa Laga yaabaa in ay 8 dhibcood ka dhigto farqiga dhibcaha ay ka dambayso Liverpool Hadii ay badiso kulanka baaqiga u ah.
Laakiin marka la eego Xaalada dhaawac ee Arsenal uma badana in ay ku guulaystaan Horyaalka.
Hadii ay Liverpool ku guulaystaan Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan xiddiga Chiesa ayaa halis ugu Jira in uu seego bilada guulaysatah.