Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa heli doonta gunno lacageed oo dhan 2 milyan oo euro oo ay ka heli doonto shirkadda soo saarta agabka ciyaaraha ee Nike haddii ay xilli ciyaareedkan ku guulaysato horyaalka Premier League.
Kooxda Slot ayaa tallaabo kale u qaaday ku Guulaysiga Premier League Kadib markii ay 11 dhibcood ku qabteen Horyaalka Premier League.
Sida laga soo xigtay The Athletic, koobku wuxuu la imaan doonaa gunno fiican oo ay ka helayso shirkada Nike.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Liverpool ay heli doonto 2 milyan oo euro hadii ay gaadhaan Final Champions League.
Sidoo kale waxa ay heli doonaan lacag dhan 4 milyan oo euro hadii ay ku guulaystaan Champions League.