Shirkad laga dhacay lacag dhan 1.5 bilyan.

0
31

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ben Zhou, oo ah madaxa shirkadda Bybit, ayaa sheegay kadib markii ay la kulmeen weerar jabsasho oo sababay in shirkadu lumiso aduun lacageed oo dhan $1.5 bilyan.

Zhou wuxuu sheegay inkastoo khasaarahaas weyn shirkada gaadhay, Bybit ay weli leedahay awood dhaqaale oo buuxda, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hantida macaamiisha ay tahay mid amaan ah, oo aysan dhaca loo geystay shirkadu saamayn ku yeelan doonin macaamiisha.

Weerarka loo geystayBybit wuxuu dhacay xilli lacag laga soo diraayey akoon Cool Wallet loona dirayay mid Hot Wallet. Hakerka ayaa si layaableh u badalay ciwaanka lacagta loowaday, isagoo lacagta u leexiyay akoon kale oo uu isagu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here