Shirkii Jaamacadda Carabta ee Gaza oo dib loo dhigay

0
42

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shir degdeg ah oo ay Jaamacadda Carabtu qorsheysay in ay kaga wadahadasho xaaladda Gaza, kaasoo markii hore la filayay inuu dhaco toddobaadka soo socda, ayaa dib loo dhigay ilaa 4-ta Maarso, sida ay Talaadadii shaacisay Masar.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in taariikhda cusub lagu heshiiyay kadib wadatashiyo lala yeeshay xubnaha Jaamacadda Carabta, iyadoo lagu saleeyay baahida loo qabo diyaar-garow dhanka farsamada iyo abaabulka ah si shirku u noqdo mid mira dhal ah.

Shirka ayaa la isugu yeeray kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu soo bandhigay qorshe muran dhaliyay oo lagu doonayo in maamulka Gaza lagu wareejiyo Mareykanka, isla markaana dadka Falastiiniyiinta ah ee halkaas ku nool loo raro dalal kale, oo ay ka mid yihiin Masar iyo Urdun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here