Arsenal Oo La Wareegaysa Gacan Ku Haynta Tartanka Ku Guulaysiga Premier League

0
10

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – In kasta oo ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yahay dhaawacyo hadana Arsenal ayaa  ayaa kaliya laba natiijadood u Jira in uu tartanka premier league dib ugu soo laabto gacantooda.

Liverpool ayaa 7 dhibcood ka horaysa iyada oo 10 dhibcood ka horayn doonta kooxda Mikel Arteta hadii ay badiso kulanka ay bartamaha todobaadka la ciyaari doonaan Aston Villa.

Si kastaba ha ahaatee, usbuucan wax weyn ayay u noqon kartaa Arsenal haddii ay arrimuhu u socdaan sida ay rabaan.

Bar-barihii ay Liverpool la gashay Everton ayaa ahayd wax u fiican Arsenal maadama ay 7 dhibcood ka Horaysay halkii ay ka horayn lahayd 9 dhibcood.

Kooxda Liverpool ayaa todobaad gudihiis u safri doonta Aston villa iyo Man City waana wakhti halis ku ah Liverpool.

Hadii ay ku guulaystaan in ay hal dhibic ka helaan labada kulan ee soo socda taas oo la macno ah bar-baro iyo guuldaro ay kala kulmaan Aston Villa iyo Man City midkood waxa ay wax badan ka badali doontaa tartanka iyaga oo u leexin doona dhinaca Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here