Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Erling Haaland ayaa dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii ay Manchester City 4-0 ku xasuuqday Newcastle iyada oo kooxdu ka walacsantahay Xaalada xiddiga ka Hor Kulanka Real Madrid.
Haaland ayaa dhulka ku dhacay isagoo xanaaqsan oo lugta midig qabsaday daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxaana lagu bedelay Matheus Nunez.
City ayaa aadi doonta garoonka Santiago Bernabeu Arbacada iyada oo u baahan in ka soo laabto guuldaradii lugta hore.
Laakiin Guardiola ayaa u muuqday mid ku kalsoon markii wax laga waydiiyay dhaawaca. “Markii uu dhacay cid walba way walaacday, laakiin wuu kacay oo wuu socday isagoo dhoola cadeynaya sida had iyo jeer,”
“Lama hadlin isaga ama dhakhaatiirta laakiin dhakhaatiirtu lama aysan iman war xun marka waxaan rajeynayaa inuu fiican yahay.”