Qaar ka mid ah dadka caddaanka ah ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii shalay muujiyay taageerada ay u hayaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyagoo isugu soo baxay banaanka safaaradda Mareykanka ee magaalada Pretoria, iyaga oo muujinaya in ay yihiin dhibbanayaal cunsuriyad kaga timid dowladdooda.
Boqolaal mudaaharaadayey ah ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen “Ilaahay baa Mahad Leh oo Trump Madaxweyne [ka dhigay]” iyo farriimo kale oo dhaliilaya sharciyo ay u arkaan in ay liddi ku yihiin caddaanka laga tirada badan yahae ee Koonfur Afrika.
Dadka badankoodu waxay ka tirsanaayeen bulshada Afrikaanarka, oo uu Trump si gaar ah diiradda u saaray toddobaad ka hor markii uu saxiixay amar madaxweyne oo jaray kaalmadii Mareykanka uu siin jiray dowladda Koonfur Afrika ee ay hoggaanka u hayaan madowgu. Amarkaas wuxuu Trump ku sheegay in Afrikaanarka, oo ah dad asal ahaan ka soo jeeda gumeysigii Dutch-ka, lagu bartilmaameedsanayo sharci cusub oo u ogolaanaya dowladdu in ay la wareegto dhul caddaanku leeyahay.