Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa war farxad leh u sheegay taageerayaasha kooxdiisa xilli ay kooxdu ku jirto xaalad dhaawac oo adag.
Arsenal ayay hadheeyeen dhaawacyo iyada oo Kai Havertz noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ka dhaawacma kooxda.
Laakiin Arteta ayaa xaqiijiyay in xiddiga Ben White uu dib ugu soo laabtay tababarka diyaarna u yahay in uu ciyaaro kulamada.
Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ben White si joogto ah ayuu tababar u qaadanayaa haatan”.
“Waa in aan si dhaw u ilaalino daqiiqadaha uu ciyaarayo laakiin waa diyaar”ayuu sii raaciyay.
Daafaca reer England ayaan ciyaarin tan ilaa bartamihii bishii November kadib markii uu maray qaliin jilibka ah.