Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ciidamada ammaanka Liibiya ayaa ugu yaraan 11 meyd oo kale oo tahriibayaal ah ka soo saaray xabaal-wadareed ku yaalla koofurta-bari ee dalka, sida uu sarkaal amni u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Tirada guud ee meydadka laga helay 55 qabri ayaa hadda gaartay 39 meyd ka dib markii xeer-ilaaliyaha guud uu sheegay Axaddii in laamaha amniga ay ilaa 28 kale oo meydad ah ka soo saareen waqooyiga Kufra, oo ah degmo weyn oo koonfur-bari ee dalka ku taalla.
Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa Isniintii sheegtay in meydadka laga helay laba xabaal-wadareed oo ku yaalla Liibiya ay qabeen dhaawacyo rasaas ah.