Man United Halis Ayay Ugu Jirtaa In Ay Ka Hadho Premier League

0
9

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Paul Scholes ayaa aaminsan in Manchester United ay wax walba ku xun yihiin oo ay halis ugu jiraan inay ka haraan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

United ayaa hoos u dhac weyn ku dhacday tobankii sano ee la soo dhaafay, tan iyo markii uu shaqada ka fariistay tababarihii hore ee Sir Alex Ferguson 2013.

Laakiin arrimuhu run ahaantii way soo bateen labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, United-na waxay hadda ku jirtaa in ay samayso xilli ciyaareedyadii ugu xumaa ee taariikhdooda.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League iyada oo aan wax fursad ah u haysan in ay u soo baxdo champions League iyada oo aan fursad u haysan in ay Yurub ka soo baxdo horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here