Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bulshada magalada Jowhar ayaa lagu baaqay in ay ka feejignaadaan halista cudurka Burusella, oo ah cudur faafa oo ka dhasha bakteeriyada Brucella.
Cudurkan wuxuu inta badan ka yimaadaa xoolaha sida lo’da, riyaha, iyo idaha, wuxuuna dadka ugu gudbaa iyada oo loo marayo cunto aan si sax ah loo diyaarin ama la macaamilidda xoolaha cudurka qaba.
waxaa soo jeedineysa : – Xaliimo Cali.