Booliska Talyaaniga oo billaabay howlgal ka dhan ah Maafiyada

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Booliska Talyaaniga ayaa Talaadada maanta ah bilaabay howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo Maafiyada Sicilain ee magaalada Palermo, iyagoo soo saaray amarro xarig ah oo lagu soo qabanayo 183 qof oo lala xiriirinayo kooxaha Cosa Nostra.

In ka badan 1,200 oo askari ayaa subaxnimadii hore la hawlgeliyay, taasi oo qeyb ka ah howlgalkan oo sidoo kale ku fiday magaalooyin kale oo Talyaani ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay booliska Palermo.

Dadka la xiray ayaa lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin ku lug lahaanshaha urur dambiyeedyo nooca Maafiyada ah, isku day dil, baad, ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo qabashada khmaarka sharci-darrada ah.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu “ujuedkiisu yahay in lagu burburiyo shabakadaha Maafiyada ee magaalada Palermo iyo nawaaxigeeda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here