Caddaanka Koofur Africa oo diiday in loo raro Mareykanka

0
47

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxo matalo qaar ka mid ah caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka jawaabay, qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo in dadkaas dib u dajin qaxootinimo loogu  raro dalkaan Mareykanka.

Hase yeeshee, laba urur oo matal caddaanka Koofur Africa ayaa ku jawaabay, “waad mahadsantahay laakin maya”. Waxay sheegeen in aysan qaada doonin dalabka Trump ee dib u dajinta caddaanka South Africa loogu sameynayo Mareykanka.

Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay wareegto madaxweyne oo uu Trump saxiixay Jimcihii, taas oo lagu joojiyay dhammaan gargaarka iyo kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanka siiso Koonfur Afrika. Aqalka Cad ayaa sheegay in tani looga dan leeyahay in lagu ciqaabo wax uu maamulka Trump ku sheegay “ku xad-gudubka xuquuqda” qaar ka mid ah muwaadiniinteeda caddaanka ah, oo ay ku dhaqaaqday dowladda.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Dowladda Koofur Africa oo ah dowlad ay muddo ka badan 30 sano majaraha u hayaan siyaasiyiinta madoowga South Africa, in ay ogolaatay weeraro gacan ka hadal ah oo ka dhan ah beeraleyda caddaanka laga tirada badanyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here